
XISBIGA MADALSAN
MADASHA CAASIMADDA

Ururka Madalsan – Codka Dadweynaha, Horumarka Dalka.
Ku soo dhawoow bogga rasmiga ah ee Ururka Madalsan, oo ah dhaqdhaqaaq dimuqraadi ah oo u taagan caddaalad, midnimo, iyo horumar. Aragtiyadeennu waa Soomaaliya oo muwaadin walba cod leeyahay, gobol walba matalaad uu leeyahay, oo jiil walba fursad heli karo.

NAGU SAABSAN
Waxaynu ku Tiirsan-Nahay Alle swt, Waxaan Adeegsanaa Aqoonteena, Waaya-Araknimadeena, Xirfaddeena iyo Kartindeena Si Aynu U Gaarno Yoolal Gaar Ah.
Ururku MADALSAN waa hooy (umbrella) mideeya, haga, isla markaana habeeya wada-shaqeynta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Banadir State. Ururkku wuxuu ka shaqeeyaa nabadda, caddaaladda, wada-tashiga, iyo horumar waara, isaga oo u oggolaanaya in Forum-yo (madallada Maamul Gobaleedyada) ay si madax-bannaan isu maamuli karaan, una maareeyaan arrimahooda gudaha, balse ku socda ama ku shaqeeya mabaadi’da iyo hannaanka guud ee Ururka.
Aragtida (Vision)
Soomaaliya nabdoon, caddaalad ku dhisan, dimoqraadiyad ka qaybgalkeedu sarreeyo, iyo maamul-wanaag ka hanaqaada heer federaal, heer maamul gobaleed, iyo caasimad—Banaadir State oo horseeda wada-tashi dhab ah (Madal San).
Dhanbaalka (Mission)
In la dhiso madal siyaasadeed oo isku xirta federaalka iyo maamul gobaleedyada/banaadir state, la kobciyo adeegga dadweynaha, lana illaaliyo deegaanka iyo kheyraadka, iyadoo la xaqiijinayo sinnaan, daah-furnaan, iyo isla-xisaabtan.
Qiyamka iyo Mabaadi’da
Nabad & Isu-tanaasul, Caddaalad & Sinnaan, Maamul-wanaag & Daah-furnaan, Isla-xisaabtan, Horumar Waara, Daryeel Deegaan, Ka-qaybgal Dadweyne.